Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xildhibaannada Baarlamaanka oo Lagu Wargeliyey in ay Hubkooda soo Diiwaan Geliyaan
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:318
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 04 2008
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Lagu Wargeliyey in ay Hubkooda soo Diiwaan Geliyaan
Written by Ali Moallim   
Sunday, 04 May 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku amray Xildhibaanada Baarlamanka in ay si deg deg ah u soo diiwaan geliyaan tirada ilaaladooda gaarka ah ee ay leeyihin iyo Hubka ay heystaan intuba si loo diiwaan geliyo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in arintan ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo ogaan lahaa cida ka dambeysa xasilooni darida ka taagan Mudooyinkan dambe Magaalada Baydhabo, isla markaana wax looga qaban lahaa nabadgelyo xumida Magaaladaasi hareysay.

Qaar ka mid ah Xldhibaanada Baarlamka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo jeedinta ka timid Sheekh Aadan Madoobe ku tilmaameen mid khalad ah, waxayna xuseen xasiloonidarada ka taagan Magaalada Baydhabo in ay tahay mid salka ku heysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya ee u dhexeeya Cidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda oo haatana aysan jirin wax iyaga dhinacooda farta loogu soo godo

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay wehel u noqotay dilal iyo qaraxyo lala beegsanayo Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ee jooga Magaalada Baydhabo, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay halkaasi ka dhacday maalmo ka hor, ka dib markii tacshiirad ay fureen Ciidamada Itoobiya ay ku dhinteen ku dhowaad 15 ruux, taasoo ka dambeysay Qarax lala beegsadey Ciidamada Itoobiya oo ay kaga geeriyoodeen labo askari.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >